Muqdisho (Arabsiyonews) – Dowladda Soomaaliya, ayaa ka jawaabtay eedayn ay Salaasadii Toddobaadkan u jeedisay Dawladda Somliland, taas oo ku saabsan sida loo qeybsaday xujeyda sannadkan.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa Salaasadii sheegay in Dawladda Soomaaliya ku Takri-fashay Saamigii Somaliland ku lahayd Xujaajta sannadkan soo gudanaysa waajibaadka Xajka, isla-markaana ay Somaliland siisay illaa 350 Qof oo keliya, sidaa darteed aanay Somaliland ku qanacsanayn, sidaa darteedna ay go’aansatay inaan Muwaadiniinta Somaliland sannadkan Xajka tagin.
Wasiir Albaani waxa kale oo uu sheegay in Viisayaashii Dawladda Sucuudigu Soomaaliya ugu soo dhiibtay reer Somaliland lagu iibinayo Suuqyada Muqdisho.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dawladda Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay inaan la siyaasadayn qeybsiga xujeyda laguna salaynin nidaamka 4.5.
Wasiirka oo Arbacadii Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkadaha ku guulaystay qaadista Xujeyda ay ku cadaadiyeen inay Somaliland ka qaadaan 800 oo xujey ah, balse wuxuu sheegay in Dawladda Somaliland ay ka hor timid arrintaasi.
“Runtii waxaan ognahay xujeydii Soomaaliyeed ee ka bixi lahayd Hargeysa waa la cadaadiyay, waa la siyaasadeeyay. Ma doonayn shacabkaas Soomaaliyeed ee halkaas ku nool in la dibaateeyo, Madaxweynuhu arrintaas wuu iga hadlay,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.
Sannadkan xujeydii Somaliland ka bixi, ayaa qaarkood waxay ka ambo-baxeen Degaannada Puntland.
Arabsiyonews.com