Hargeysa (Arabsiyonews) – Guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa looga dabbaal-degayaa Xuska 26-ka June oo ku beegan 62 Guurada ka soo wareegtay wakhtigii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.
Sannad kasta, guud ahaan Shacabka Somaliland, gudo iyo dibedba waxay 26-ka bisha June waxay u dabbaal-degaan Xuska Maalintii ay iska dul-qaadeen gumaystihii Ingiriiska, kaasi oo ay Somaliland ku soo hoos jirtay muddo 130 sanadood ah oo 60 ka mid ah Somaliland u ahayd Maxmiyad uu amnigeeda ilaaliyo isla-markaana uu Maamulo.
26-kii June, 1960-kii Caawa oo kale oo Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay, taasi oo hadda laga joogo muddo 62 sanadood ah.
Caawa oo kale, boqorrada Boqortooyada Ingiriiska Queen Elizabeth 2, ayaa Shacabka Somaliland u soo dirtay dhambaal Hambalyo ah oo ku aaddan xornimada Somaliland ka qaadatay dalkeeda Ingiriiska.

Dhambaalka Queen Elizabeth 2 oo aanu hadda xasuus ahaan dib idiinla wadaagayno, ayay 62 sanadood ku tidhi sidan “Aniga, dawladdayda iyo shacabkayga ku nool Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, waxaan idiin rajaynayaa wanaag maalintan xorriyaddiina awgeed.”
Queen Elizabeth 2 ayaa xilligaa rajeysay in xidhiidhka dalkeeda iyo Somaliland uu sii waaro “Waxaan rajeynayaa inuu sii socdo xidhiidhka labadeena dal uu noqdo Saaxiibtinimo waarta.”
Ingiriiska, ayaa Somaliland soo degay 1884-kii, waxaanu ka guuray 1960-kii, taasi oo ka dhigan inuu 84 sanadood xukumayey.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









