Dawlad Xidhiidh La Leh Somaliland Oo Naxariis U Muujisay Kabtan U Dhashay Shiinaha.

0

Taipea (Arabsiyonews) – Maxkamadda Sare ee Taiwan, ayaa hoos u dhigtay xukun xabsi ah oo ay maxkamadda hoose ee dalkaasi ku xukuntay Kabtan u dhashay Shiinaha, kaasi oo u shaqeynayay markab kalluumeysi oo Taiwan leedahay.

Xukunka Maxkamadda hoose ku ridday Kabtankaasi, ayaa ahaa 26 sano, waxayna Maxkamadda sare ka dhigtay laga 13.

Wang Fengyu ayaa la xidhay
22-kii bishii Augost 2020, ka dib markab uu madax u ahaa, oo lagu magacaabo Indian Star isla-markaana uu ka babanaayay calanka Seychelles, uu ku soo xidhay dekedda Kaohsiung, isagoo lagu eedeeyay inuu amray dilka afar budhcadbadeed ah oo badda lagu dilay 2012-kii.

Waxaa lagu soo oogay dacwadda Oktoobar 2020,  waxaana lagu eedeeyay dil iyo ku xad-gudbin Xeerka Xakamaynta Hubka, Rasaasta iyo Mindida.

Taiwan, ayaa ka mid ah dalalka xidhiidhka diblumaasiyadeed ee wanaagsan la leh Somaliland.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office