Nairobi (Arabsiyonews) – Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa la sheegay inuu isaga baxay shir ay Madaxtooyada Kenya isugu yeedhay safiirrada uu fadhigooda yahay dalka Kenya, ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay jamhuuriyadda Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaararda Soomaaliya.
Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa Shalay la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhaceysa bisha Agoosto ee sanadkan.
Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo uu ka socday Safaaradda Somaliland ee Nairobi, taasi oo uu si weyn uga cadhooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga beddelo, kadibna danjiraha shirka ayuu ka soo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.
Dawladda Somaliland ayaa wakiil ku leh Magaalada Nairobi, kaasi oo ah Ambassador Maxamed Barawaani, waxaanu shirka ka jeediyey khudbad ku aaddan Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, sida uu baahiyey Telefiishanka Qaranka Somaliland Shalay (SLNTV).
Ambassador Barawaani oo uu hor-yaallay Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shirka oo uu fadhiyey Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta, waxa uu Safiirrada Beesha Caalamka ee shirka ka qayb-galay u sharraxay in Madax-banaanida Somaliland ay tahay doonista shacabka Jamhuuriyada Somaliland, ayna u shaqaynayaan isla shacabkaas.
Ugu dambayn, Dawladda Kenya ayaan rasmi ahaan u aqoonsanayn Madax-banaanida Somaliland, balse sanadihii dambe ayay Nairobi sare u qaaday xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland, waxayna Xafiis Diblumaasiyadeed ka furatay Hargeysa isla-markaana waxay u soo Magacowday Wakiil u joogi doona.
Dowladda Kenya iyo Somaliland midkoodna kama hadlin arrintan u dambeysay ee sababtay in Safiirka Soomaaliya ka baxo Shirka Somaliland lagu marti-qaady. Laakiin wakiilada Somaliland u fadhiya Nayroobi ayaa xaqiijiyay inay casumaad ka heleen Madaxtooyada Kenya.

Casuumadda Wakiilka Somaliland ee Kenya kaga Qayb-galay kulanka uu Magaalada Nairobi ku qabtay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhurru Kenyatta, ayaa ka cadhaysiisay Dawladda Soomaaliya, waxay Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha dibedda lagu sheegay inay Soomaaliya uga fadhido Kenya sababta ay Shirkaasi ugu marti-qaadeen Wakiilka Somaliland ee Nairobi isl-markaana loo siiyey fursad uu kaga khudbadeeyo.
Dawladda Soomaaliya oo aaminsan in Somaliland weli ka mid tahay Soomaaliya, ayaa marti-qaadka Somaliland ee shirkii ka dhacay Madaxtooyad Keny ku tilmaantay mid lagu wiiqayo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sidaas darteed ay Wasiirks Arrimaha dibedda Kenya ka dalbanayaan Inuu arrintaa sharraxaad ka siiyo.

Dawladda Kenya weli kama jawaabin dalabka Soomaaliya, Laakiin, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedd Somaliland, ayaa lagu sheegay in aanay jirin sabab Dawladda Muqdisho uga Mudaharaaddo ka qayb-galka Somaliland ee shirkii Safiirrada Caalamku Nairobi kula yeesheen Madaxtooyada Kenya, maaddaama oo Somaliland tahay dal madax-banaan, dimuqraadi ah isla-markaana doonaya inuu nabad kula noolaado dalalka ay derisk yihiin ee Soomaaliya ka mid tahay.

Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









