Dhowrkii bilood ee u dambeeyay waxa Somaliland ka taagan khilaaf culus, kaasi oo salka ku haya doorashada Furista Ururrada siyaasadda iyo doorashada Madaxtooyada ta soo horraynaysa.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa, ayaa ku dhawaaqay inay furan yihiin Ururrada siyaasaddu, maaddaama oo sharcigu dhigayo in 10-kii sanadoodba mar la furo Ururrada siyaasadda, si loo helo Xisbiyo cusub, ama kuwii hore u jiray loo xoogeeyo, sidaasi darteedna bishan June 2022 ay bilaabmayaan diwaangelintoodu, ka dibna loo dareerayo doorashada lagu kala reebayo, markaasi ka dibna ay la qabanayo doorashada Madaxtooyada, laakiin Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo isbahaysi ah, ayaa si adag uga hor-yimid isla-markaana Magaalooyin dalka ka mid ah ka sameeyay dibed-baxyo ay ku diiddan yihiin doorashada Ururradu inay ka soo horrayso ta Madaxtooyada oo ku muddaysan 13-ka bisha November 2022.
Khilaafka taagan ee doorashada, ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka ka jiro Sicir-barar saameeyay nolosha Bulshada.
Sicir-bararkan oo saameeyay Cuntada Quutal-daruuriga ah, shidaalka, Biyaha iyo Laydhka, kuwaasi oo dhammaantood ah wixii bulshadu ku tiirsanayd.
Hase-yeeshee, Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo si joogto ah uga hadla sida ay uga soo horjeedaan in doorashada Ururrada la qabto, ayaan Shirarkooda jaraa’id wax ahmiyad ah ku siinin ka hadalka duruufaha adag ee ay Bulshadu waajahayso, balse waxay boqolkiiba 90 Shirarkooda jaraa’id ahmiyadda koowaad ka ah ka difaaca In doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto, halkii ay ka ahayd Inay dareenka bulshada Somaliland ka tarjumaan, ahmiyaddana siiyaan ka hadalka sidii dadku uga bixi lahaa xaaladdan culus, arrintaasi oo ay ku kasban kari lahaayeen dareenka iyo taageerada Shacabka.
halkan waxaynu ku eegaynaa tirada shirarka jaraid ee ay qabteen Bishan bilowga ah ee june oo keli ah Asxaabta Mucaaridku kuwasoo ku dhaw 2oeeye waxaynu hoos ugu daadagi doonaa luuqada kursi doonka ay humaaga ugu sawirayaan dadka jilicicda san ee la ildaran Abaaraha,Biyo la,aanta Qiimo Bararka Laydhka ,Qiimo Bararka Maceeshada
Hoggaamiyeyaasha WADDANI iyo UCID iyo xubnaha kale ee Xisbiyadaasi ayaan illaa hadda fahamsanayn hababka ay dareenka bulshada u sii jiidan karaan ee ay Taageeradooda u kasban lahaayeen, balse ka hadalka waxyaabaha Bulshadu tabayso waxay ka door-bidayaan inay Warbaahinta mariyaan hadallo yooyootan u badan, kuwaasi oo Xukuumaddu badhkood si fudud uga jawaabto, qaarkoodna aanay ka hoos qaadin.








