Hargeysa(Arabsiyonews)Ururka Baananka JSL ayaa maanta soo gabogabeeyey Tabobar ku saabsan Tebinta Ganacsiga, Maaliyadda iyo Dhaqaalaha oo loo qabtay 12 Suxufi ka kala socday warbaahinta kala duwan. Xidhitaanka Tabobarka ayaa waxa ka soo qaybgaley Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL (Mudane Cali Cabdillaahi Daahir), Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga (Jamaal Caydiid), Guddoomiyaha Ururka Baananka JSL (Mudane Khaliif Sh. Cumar Nuur), Guddoomiyaha Dallada Suxufiyiinta SOLJA (Sarakiye Axmed Muxumed, Qaar ka mid ah maamulka iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta Tabobarka ka qaybgashay iyo Marti Sharaf kale oo badan.
Ugu horreyn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururk Baananka JSL… Waxa isna ka warramay Muhiimada Tabobarka Dhaqaaleyahan Prof Ibraahim Sa’eed oo ahaa macallimiintii Tababrka bixisay, Yusur oo ku hadleysa afka Suxugiyiintii Tabobarka qaatay, G. Solja, Ahmed Kayse Digaale (Afka Agaasimeyaasha iyo maamulka T.Vyadii tabobatka ka qaybgaley) Prof Muumin Aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha Maaliyada, Gud Rugta Ganacsiga iyo Gud Baanka Dhexe oo soo xidhay.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








