Hargeysa (Arabsiyonews) – Aqalka Senate-ka Maraykanka, ayaa Maanta oo ku beegan 9-ka bisha June 2022 ansixiyey Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka (Somaliland Partnership Act).
Xeerkii oo ay Gole-weynaha Senate-ka horgeeyeen Guddiga arrimaha dibedda ee Golahaasi, ayaa Goluhu si guud Cod ugu qaaday isla-markaana ansixiyey.
Ansixinta xeerkan ayaa ah talaabo taariikhi, taasi oo horseedi doonta in Somaliland iyo dalka Maraykan ay iska kaashadda arrimo badan, isla-markaana Somaliland ay Dawladda Maraykanka si toos ula macaamisho.
Jim Risch oo ka mid ah Senatorrada Aqalka Senate-ka Maraykanka, kana tirsan guddida Arrimaha Dibedda, ayaa kadib ansixintii Xeerku wuxuu yidhi “Maaddaama Geeska Afrika uu wajahayo caqabado badan oo qalafsan, Maraykanku waa in uu sahamiyaa dhammaan xidhiidho faa’iidada leh ee lala yeesho saaxiibbada dimuqraadiga ah, kuwaasi oo ay ku jirto Somaliland”
Sanoter-ku waxa kale oo uu sheegay “Aad baan ugu faraxsanahay in aan arko sharcigan maanta” ayuu yidhi.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









