Hargeysa(Arabsiyonews)- Wasaarada wasaaradda arrrimaha guddaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si kama danbays ah u mamnuucday qiimaha korontada ee ay kordhiyeen shirkadaha bixiya adeega korontada.
Wasaarada ayaa amar ku bixisay in la joojiyo korodhka qiimaha korontada, waxayna ciidanka booliiska iyo guddoomiyayaasha gobolada fartay in ay joojiyaan qiimaha laydhka ee shirkaduhu kordhiyeen.
Shirkadaha ayaa horay uga dhago adeegay amar kasoo baxay Koomiishanka Tamarta Somaliland.

Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









