Hargeysa (Arabsiyonews) – Wargeyska Star oo ka soo baxa dalka Kenya, ayaa waxa ka qoray Xidhiidhka ka dhaxayn kara Ciidammada Maraykanku dib ugu soo celiyey Dalka Soomaaliya iyo hadal-haynta ku saabsan inuu Maraykanku uu Saldhig Ciidan ka samaysanayo Somaliland.
Wargeyska Star, ayaa sheegay in ka sakow Ciidammada uu Maraykanku ku soo daabulay Soomaaliya uu haddana isha ku hayo Somaliland oo 31 sanadood ka hor Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya, xilligana uu jiro xidhiidh sii koraya oo ka dhexeeya Hargeysa iyo Washington.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo Wargeysku soo xigtay, ayaa sheegay in qorshaha Maraykanka ee la ku aaddan Somaliland uu salka ku hayo in labada waddan iska kaashadaan Amniga iyo Sirdoonka, laakiin ma sheegin in xilligan uu Maraykanku Saldhig ka samaysanayo Sonaliland
“Bishii March 2022, waxa na lagu marti qaaday safar waxtar badan oo aanu ku tagnay Maraykanka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, waxaanu intaa ku daray “Waxa diiradda la saaray ayaa ahayd in si dhow looga wada shaqeeyo amniga iyo sirdoonka.”
Safarka ay Maraykanka ku tageen Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland, laba bilood ka dib, Maraykanku wuu ka jawaabay socdaalkaasi, waxaanu u soo diray Somaliland Sarkaalka ugu sarreeya ee ciidamada Afrika ka jooga Maraykanka ee loo yaqaano Africom, Gen Stephen Townsend.
Wargeysku wuxuu sheegay in Wasiir Kayd uu Berbera ku soo dhaweeyay Weftiga Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Afrika, si uu u kormeero Dekedda Magaalada Berbera iyo dhabaha diyaaradaha ee garoonka Berbera, kaasi oo uu dhararkiisu 4KM isla-markaana uu dhjsay Midowgii Sofiyeeti xiligii dagaaladii qaboobaa, balse hadda dib dhis lagu sameeyay.
Wargeyska Star wuxuu sheegay in xilligan Somaliland aad looga hadal-hayo in Mareykanku uu qorsheynayo inuu saldhig milateri ka sameysto Berbera, laakiin Wasiir Kayd oo la waydiiyey waxa ka jira arrintaasi, ayaa ku jawaabay “Waxa kaliya ee aan hadda sheegi karo ayaa ah in booqashooyinka Maraykanku ay noqon doonaan kuwo soo noqnoqda..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa aanu filaynaa in gacan la naga siiyo tababbarida ciidamadayada amaanka iyo ilaalada xeebaha…”
Wakhtigii uu Somaliland socdaalka ku yimid Taliyaha Ciidammada Maraykanka Afrika waxay ujeeddada socdaalka guud ku sheegeen “In la qiimeeyo goobaha suurtagalka ah ee hawlgalka si loo awoodo in loogu diyaargaroobo xaaladaha lama filaanka ah, u diyaargarowga Tababbarrada ama hagaajinta habka xoogga marka loo baahdo..” ayaa lagu sheegay War xilligaa ka soo baxay Africom
Dhinaca kale, Waxa jira sababo badan oo Maraykanku u danaynayo Somaliland, waxaana ka mid ah Somaliland oo ku taalla goob istiraatijiyad ah isla-markaana in Xeebta Somaliland ku fidsan tahay illaa 800km (500-mile) oo ka mid ah marinnada maraakiibta Adduunka u kala goosha iyo dalka yar ee jaarka la ah ee Jabuuti oo mashquul ah, maadaama oo ay Saldhigyo Ciidan ku leeyihiin dawlado uu Shiinuhu ka mid yahay.
“Berbera waxay siinaysaa beddel soo Wanaagsan, waa meel ka mid ah meelaha Adduunka ugu xasilloon, waxayna jaar la tahay Yemen, Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ahaa xulafada muhiimka ah ee Mareykanka ee ‘La-dagaalanka Argagaxisada’ balse hadda ay hadheeyeen colaado gudaha ah “Waddankayagan yar ee aan la aqoonsan ayaa adduunka oo dhan u samaynaya wanaag xagga ilaalinta..”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Kayd, waxaanu intaa ku daray “Somaliland, waxaanu nahay iftiin xasilloon, oo u taagan ilaalo gobolka qalalan.”
Laakiin marka la eego isku dayga lagu hagaajinayo xasilloonida Geeska Afrika iyo badda cas, ku guuleysiga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo la socoshada kooxaha ka soo horjeeda ee caalamka, Mareykanku ma haysto doorasho aan ka ahayn inuu diiradda saaro Berbera, sida uu sheegayo Wargeyska Star oo War-bixintan daabacay.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









