Hargeysa(Arabsiyonews):-Bandhiga Dhamaystirka Daraasada jidka lawyacado, Fardaha to Boorama ayaa maanta lagu soo Bandhigay Caasimada JSL ee Hargeisa Mashruucaasi oo mudadiisu ahayd 18 bilood wuxuuna soo Bilamay 26 september. Sanadkii 2020..

Gudoomiyaha Gobolka salel Mudane Mawliid Maxamed Nuur oo ka Hadlay madasha Lagu so bandhigayay ayaa Sheegay muhiimada Wadadani muhiimada ay u leedahay guud ahaanba aranka Jamhuuriyada Somaliland Waxaanu Gudoomiye Mawliid Xusuy in maanta ay taagan tahay Guul ka Masuul ahaana isaga Farxadweyn u tahay
” waxaa Farxad wayn ii ah in aan goob-joog u ahaa Furitaankii mashruuca Bilawgiisii ee Lawyacado,Fardaha ilaa  Boorama in aan maantana u joogo Dhamaystirkiisii 18bilood ka Dib” .Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Gobolka Salel Mawliid Maxamed Nuur
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii raaciyey “Maanta Waxaynu taaganahay Dhamaystirkii Wadaadani waa ilaahay Mahadii waa Guullaha iyo hal abuurka taaba galay ee Madaxweynaha Qaranku inagu hogaaminayo maanta waxaa inoo muuqda midhihii maantana waa bushaaro fiican oo guud ahaan Qaranka oo dhan u ah Bushaaro”Ayuu yidhi Gudoomiyuhu
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office