London (Arabsiyonews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xuska 31 Guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay xarunta Baarlamaanka UK ee Magaalada London.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ka qayb-galay Xafladdaasi oo ay goob-joog ka ahaayeen Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegay in ka sakow Xafladda 18-ka May ee lagu qabtay Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ay la kulmeen Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka UK, isla-markaana ay kala hadleen halka ay marayaan dedaallada aqoonsi-raadinta Somaliland ee ay wadaan Xildhibaannada Ingiriisku.

Wasiir Ciise Kayd Maxamuud oo qoraal ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, ayaa yidhi “Waxaanu la kulanay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka Ingiriiska, waxaanu ka wada hadalnay halka ay marayso qadiyadda Somaliland ee aqoonsi-raadintu..”

Xubno ka mid ah Baarlamaanka UK oo Saaxiib la ah Somaliland, ayaa sanadihii u dambeeyay si cad uga qayb-qaadanayey dedaallada Aqoonsiga loogu raadinayo Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo Mudaneyaashaasi Xukuumadda Raysal-wasaare Boris Johnson mar walba ugu baaqa inay hormood ka noqoto Aqoonsi uu Caalamku siiyo Somaliland.

Horraantii sannadkan 2022, waxa Xildhibaanno uu ka mid yahay Gavin Williamson ay Baarlamaanka UK horgeeyeen Mooshin ah in laga doodo qadiyadda Aqoonsiga Somaliland u baahan tahay, taasi oo qabsoontay isla-markaana indhaha Caalamka ku soo jeedisay Somaliland.

Xildhibaan Gavin oo dhowr jeer Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Ingiriiska, ayaa dooddii uu Baarlamaanka geeyay ka dib, wuxuu booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna wakhtigaa isaga iyo Mudaneyaal la socday la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Shir-guddoonka labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office