“Ragga Madaxweynaha Ku Xeeran Waxaan Leeyahey, Intaad Xisaabinaysaan Waxaan Madaxweynaha idhi, ” Maxamuud Xaashi

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, oo hadal dheer Ka jeediyay Madasha ayaa Nuxurka hadalkiisu u Muuqdey, Mid Dareentan Siyaasadeed, Kujiro taas oo Meesha Ka Saareysa Tuhunkii indhawaale laga qabey in Kuwareejinta Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Gudoomiyanimadiisa, oo Madaxweynaha lad ahaantiisu Madasha ka Sheegay, in ay tahey Mid aan Bislayn, Islamarkaana, Wali xodxodashadeedu Socoto, Waxaana hadalka Maxamuud Qeyb Ka ahaa, Weedho badan, oo uu ugu Duurxulayey Madaxweynaha iyo Raga Saaxiibadiis ah, ee Tuhunku Saaran yahey.

Kadib Hadalo badan, oo tafdheer oo Madasha laga jeediyay, Maxamuud Xaashi Gabagabada hadalkiisa, Waxaa laga Dareemay, in aanney Wali Kalsoonidu Cadeyn Taas, oo uu Madaxweynaha talooyin ugu Soo Jeediyay in Xisbiga Kulmiye Wali Dhutis iyo Dhaawac Qabo Sidaa Daraadeedna, aanney Kulmiye ismahadin haseyeeshee, laga Shaqeeyo Guusha Dambe.

Sikasta, oo ay Tahey Xidhiidhiyaha Xaflada Cabdinaasir Buuni, ayaa haddana Mar Kale Sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muusw Biixi Cabdi oo Hadalka Furey uu Mar Kale Ku Noqon doono Hadalka.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office