London (Arabsiyonews) – Magaalada London ee Caasimadda boqortooyada Ingiriiska, waxa lagu qabtay Munaasibad lagu xusay 31 Guurada Madax-banaanida Somaliland oo sannad walba la qabto 18-ka bisha May.

Munaasibaddan oo uu soo qaban-qaabiyey xafiiska diblumaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay UK, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka UK, xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee UK iyo Ganacsato waaweyn oo reer Somaliland ah.

Ugu horrayn wax halkaa ka hadlay Safiirk Somaliland ee UK, waxaanu ka warramay ujeeddada loo qabto xuska 18-ka May, isagoo sheegay inay tahay waynayn la waynayo Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo in Adduunka la tuso horumarka ka socda Somaliland, looguna qanciyo inay ictiraafaan Dawladnimada Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in xuska 18 May uu muhiim u yahay Dhalinyarada Somaliland ee la kacaamay Dawladnimada Somaliland, si loo xasuusiyo sababaha keenay in Hargeysa ay xornimadeeda kala soo noqoto Muqdisho

Xildhibaa Gavin Williamson oo ka mid ah Baarlamaanka UK isla-markaana si gaar ah ugu ololeeya sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa, ayaa Xuska 18-ka May ka sheegay in loo baahan yahay in Dawladda UK ka shaqayso sidii Caalamku u ictiraafi lahaa Somaliland.

Munaasibaddan oo ay sidoo kale hadallo ka soo jeediyeen Xubno uu ka mid yahay Safiirka Taiwan u fadhiya Ingiriiska iyo Xildhibaano British ah, ayaa Adduunka loogu baaqay in aanay Indhaha ka lalin Dawladnimada Somaliland, dimuqraadiyadda iyo Nabadgalyada ka hano-qaaday.

Xuskan ayaa ka dhacay xarunta Baarlamaanka UK ee London.

 

Arabsiyonews.com