Saylac(Arabsiyonews):=Dabaaldegii Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May Gobolka Salel Degmada Saylac oo Laga Dareemay Dalka Dariska La ah Ee Jabuuti iyo Yemen.
Kadib Markii ay Cutubyada Ciidamada Kala Duduwan ee Qaranka Somaliland Dhoolatus layaableh oo Dabalaadega Ku Wajahan Islamarkaana, Ku Qabsoomay Badda iyo Barigaba Waxa Munaasibadani aheyd Mid Nooceeda ah oo Sigaar ah u Xusan Saameynteeduna, Muujinayso Cududa Ciidamada iyo Maamulka Somaliland ee Xeebta Galbeed, taas oo Ku Siman Xuduud Ilaa Xuduud.
Gudoomiyaha Gobolka Salel Mawliid Geedi Nuur, oo hogaaminaya Maamulka Laamaha Dawladda iyo Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Saylac, ayaa iyagguna Qeyb Weyn Ka ahaa Dhoolatuska iyo Xuska Munaasibadan Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May, taas oo Muuqaalka iyo Sida Loo Munaadibada Awgeed loogu Qurxiyay Xarunta Guriga Maamulka Gobolku aheyd Mid Sigaat ah uga Tilmaaneyd Munaadibadihii hore iyo Sida Looga Xusi Jirey Gobolka Maadaama Meel Kasta laga Arkayey Caweyskii Xaley Badd iyo Baribaga

Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








