Nuxurka Khudbadii Madaxweynaha Somaliiland ee 31 Guuradii Maalinta Qarannimada ee 18-ka May.
“Xoriyada markii aynu qaadanay, 26 Kowdii July markii labada dal la isku daray, ee ay midoobeen.
Somaliland waxa ay ugu horraysay 5 tii calanka qaatay, shuruud la’aan iyo iyada oo aan gorgortan badan galin, maalin labaadkii ay xoriyada qaadatay baarlamaankeedu waxa uu go’aamiyay in shuruud la’aan la doono shanti Soomaaliyeed, oo inagu aynu u horgalo, oo aynaan shuruud ku xidhin ee aynu midnimada bilowno sidii ayaa lagu tagey.
Khilaafkii halka ka dhacay, oo ka bilaabmay dawladii ugu horraysay ee la dhisay July 60-kii, waxa uu u quusgooyay inay Soomaali isu timaado, 3-dii kalena marka ay arkeen isha Cali ka laalada, Somaliland sida loogu qaybiyay ayay dib uga maageen, sidaasi ayay ilaa maanta ku kala maqan yihiin, oo mid waliba degaankiisa halkii uu degana dawladd ka dhistay oo uula nool yahay.
Haddii aynu ku hakano khilaafkii halka ka dhacay, ee Somaliland Protectorate ee calankeeda qaadatay iyo Soomaalidii Talyaaniga ka xorowday, markii ay isu yimaadeen, ee Somaliland tidhi shuruud la’aan ayaanu idinkula midownay.
Iyaga oo meeshoodii loogu tagay waxa ay qaybiyeen xilalkii, waxa ay yidhaahdeen madaxweynaha Koonfur ayaa leh, raysal wasaarahana anaga leh, wasiirka khaarajigana anaga leh, wasiirka daakhiligana anaga leh, wasiirka maaliyadda anaga leh, caasimaduna waa Xamar, dekadduna waa Xamar, labada taliye ciidan ee ka milatariga iyo booliskana anagaa leh, waxaanu idin siinay saddex wasiir iyo guddoomiyaha baarlamaanka, iyo raysal wasaare ku xigeenka iyo sidaasi oo aad ku shaqo gashaan.
Khilaafkii maalinta bilaabmay wuxu socday kolba heer uu yeeshaba 30 sannadood, kol hadal iyo gabay ayuu ahaa, kol guubaabo ayuu ahaa, kol maxaynu yeela iyo sidan ka daaya ayay ahayd, mar dhexe ayaa madaxweynihii labaad ALLE haw naxariiste Cabdirashiid iyo raggii la talinayay ay yidhaahdeen aynu Somaliland siino raysal wasaaraha, ALLE haw naxariiste Cigaal ayaa la magacaabay, markii danbena jeelka 20-tan Jirow ayaa loo diray oo cimrigiisa intii badnaydna uu ku dhammeystay.
Wasiirkii khaarajiga ee u horeeyay Somaliland ayaa laga magacaabay oo Axmed Yuusuf Ducaale ayuu ahaa, markii uu in yar hayayna jeel ayuu ku danbeeyay oo 10 sano ayuu ku jiray, kii ku xigayna Cumar Carte ayuu ahaa oo dil togasho ah ayaa lagu xukumay, waxba tiximaayo dhibaatooyinka siyaasiga ah ee keenay in la is khilaafo, waxa ay socotaba waxa uu tagay nac colaad iyo dagaal dhiig badani ku daato iyo burbur ay dawladii Somaliland ee u danbaysay, ee milatariga ahayd waa in la xaaqo daaraha iyo barkadaha, iyo ceelasha, xata dadka nool waxa ay gaadhay in iyaga oo nool ceelal lagu rido oo lagu gubo.
Waad haysan taariikhaha ka dhacay Kalshiish oo kale, dad shiciba oo boqolaal ah inta la soo ururiyay oo lagu daadiyay meel dooxa, oo laag ah iskarogooyin dhagxaan ah lagu dul daadiyay, kamay dhicin caalamka, walaalahayo waxa ay noo quudheen dawladdiihii kala dambeeyay noomay quudhin, balse markii Somaliland xoraysay dalkeedii, wixii u horraysay ee dhawaaq ka soo baxay SNM, iyo odayashaasii Somaliland ee isu yimid waxa ay ahayd in la iscafiyo, oo wixii dhacay aan dib loo eegin, calool xumana aaan laga qaadin ee la walaaloobo, kumaanan ciidamado ah, oo koonfur ah, oo faro badan oo kuwii dadka dhiiga u darayay ah, ayaa la yidhi yaan la taabanin, ee hala nabadgelyo, ALLE haw naxariiste ninkii hor socday ee arrintaasi u yimid General Caare ayuu ahaa, dhammaantoodna Burco ayuu ka saaray oo Koonfur ayuu geeyay iyaga oo nabadqaba, sababto ah waxaanu aragnay saamax iyo walaaltinimo wax ka badan, oo ka wanaagsan in aan la helayn.
Somaliland wax kasta oo soo gadhay iyada oo qaawan oo guryaha ay yaalaan, dadkii waayeelka ahaa iyo kuwii socon karaayay ee lagu laayaya lafahoodii oo aan dadkii maydkoodu suuqa yaalay aan la aasin, ayaa waxa ay bilowday in Somaliland nabadgelyo ka doonto jaarka oo dhana nabadgelyo gacanteeda ugu fidiso, Burco ayaa la isugu yimid, 17 oday oo ergo ahaa oo ka socday dhammaan beelaha iyo degmooyinka Somaliland, oo suldaano leh, oo caaqilo leh, oo culimo leh, oo garaad leh, ayaa halkaasi isugu yimid iyo bulsho waxaana la guddoomiyay laba qodob, in colaadii hore laga bogsado oo laysa saamaxo, hadday Somaliland tahay wax kala gaadhay iyo Soomaali Koonfureed iyo cid walba gacan nabadeed loo fidiyo dagaal waynu ka soo daale, walaaladeena ka doono, iyo mar haddii ay duntay dawladdii loo midaysnaa ee 1960-kii la isugu tagay 30-ka sannadoodna aan la mahadinin ay dagaal iyo colaad nac inoo tartay in gobanimada Somaliland lagu soo celiyo 26-kii June waxaana go’aamiyay 17-ka oday, oo ahaa dadkii awooda loo siiyay inay ka soo taliyaan.
Ururka SNM, oo guddidiisi fulineed iyo golihiisi dhexe iyo guddoomiyihii oo marka ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali, iyo Xasan Ciise oo ku xigeen u ahaa ka soo taliya, si aan loo odhan jabhadii ayaa waxay doonto qaadatay, waana ta aynu manta ku dhisanay”Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi









