Hargeysa (Arabsiyonews) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Sheekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan oo Sabtidii shalay loo doortay Madaxweynaha Isku tagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu Geeriyooday Walaalkii Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo Imaaraadka soo hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2004.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxaan jecelahay inaan hambalyeeyo, Mudane Sheekh Mohamed Bin Zayed, oo loo doortay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta. Waxaan u rajeynayaa horumar iyo badhaadhe intaa ka badan oo uu hoggaamintiisa xigmadda leh u hayo Imaaraadka iyo caalamkaba. ”
Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo Geeriyooday waxa uu soo noqday Madaxweynaha Imaaraadka iyo Xaakimka Abu Dhabi tan iyo November 3, 2004, laakiin waxa uu Geeriyooday Jimcihii, ka dib xanuunka Faaligga oo uu la tacaalayey tan iyo sannadkii 2014-kii.
Sabtidii Shalay, Golaha Sare ee Federaalka Imaaraadka Carabta ayaa u doortay dhaxal sugaha Abu Dhabi, Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan inuu noqdo Madaxweynaha xiga ee Isutagga Imaaraadka Carabta, maaddaama oo uu Walaalkii Geeriyooday.
Mohamed Bin Zayed oo Shalay la doortay waxa uu ahaa dhaxal suge ahaa tan iyo 2004-kii, balse waxa uu hoggaamiye u ahaa Dubai.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









