Hargeysa (Arabsiyonews) – Dawladda Shiinaha oo ka mid ah dawladaha ka soo horjeeda Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, ayaa la sheegay inay waddo qorshe ay ku doonayso inay Saldhig Ciidan kaga samaysato Somaliland.
Dalabka Shiinaha ayaa la sheegay Inuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi soo gaadhsiiyey Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Ambassador Qin Jinn oo Arbacadii socdaal deg-deg ah ku yimid Hargeysa.
Weftiga Safiirka Shiinaha oo imanaya Maalin ka hor Wefti ay mid ahaayeen Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom isla-markaana uu ka mid ahaa Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo Khamiista Maanta la kulmay Madaxweynaha Somaliland, ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland hor-dhigay dalab aanu filaynin.
Warka ayaa Intaa sii raaciyey in Ambassador Qin Jinn uu wada-hadal qaatay 160 daqiiqo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Telefiishanka Maraykanka laga leeyahay ee ABC News, oo warkan baahiyey ayaa sheegay inay Madaxweynaha Somaliland Fajac iyo lama filaan ku noqotay markii uu Safiirka Shiinuhu ka codsaday In Shiinuhu uu Somaliland ka furto Saldhig Ciidan, arrintaas oo loo fasiran karo Tallaabo uu kaga hor-tagayo qorshe ay Dawladda Maraykanku ku doonayso inay Saldhig Ciidan kaga furato Magaalada Berbera ee Somaliland, si ay iskaashi uga wada sameeyaan amniga Badda Cas ee Somaliland kulaalayso.
Weftiga Maraykanka ee Maanta la kulmay Madaxweynaha Somaliland, ayaa kormeer ku tagay Garoonka iyo Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland.
Safiirka Shiinaha ee la sheegay inuu Shalay la kulmay Madaxweynaha Somaliland Qin Jinn, ayaa la soo weriyey inuu weli socdaal ku jooga Caasimadda Somaliland.
Arabsiyonews.com
Hageysa Office









