Hargeysa (Arabsiyonews) – Taliyaha Ciidanka Maraykanka Gen. Stephen Townsend, oo ah Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Afrika (Africom), oo uu weheliyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry E. André, Jr., ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ka dib booqasho ay ku yimaadeen Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.
Weftiga Maraykanka ee la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ay dib u laabteen, waxay soo saareen War-saxaafadeed ay kaga hadleen kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
War-saxaafadeedkan oo lagu baahiyey bogga Facebook ee Taliska Ciidammada Maraykanka ee Africom, ayaa u qornaa sidan “Madaxdu waxay ka wada-hadleen balaadhinta iyo tayeynta iskaashiga Somaliland. Ka dib kulankii Hargeysa, André iyo Townsend waxay u safreen Berbera si ay u soo daawadaan garoon diyaaradeed oo Ciidamada Cirka ee Maraykanka ee Yurub iyo Ciidamada Cirka ee Maraykanka ee Afrika ay qiimeeyeen xagaagii hore”

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in booqashada Weftiga ee Berbera ay qayb ka tahay qorshe diyaar-garow “Qiimaynta iyo booqashadani waa qayb ka mid ah dedaallada joogtada ah ee lagu qiimeynayo goobaha shaqada ee suurtagalka ah, si loo awoodo in loogu diyaargaroobo xaaladaha lama filaanka ah..”
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








