Muqdisho (Arabsiyonews) – Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadda ka mid ah Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee ku aaddan hoggaaminta dalka Soomaaliya, haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxweynaha ee qorshaysan inay dhacdo 15-ka bishan May 2022.
Xasan Cali Khayre, ayaa Barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu ku galayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ku sheegay I haddii Baaralamaanku u doorto Madaxweynaha Soomaaliya uu tixgelin doono Somaliland, sidoo kalena uu fududayn doono wax kasta oo xagga Soomaaliya kaga xidhma.
Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in haddii uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya uu bilaabi doono Wada-hadalladii Somaliland, isla-markaana uu bixin doono Garowshiiyo kasta, waxaanu yidhi “Waxaan bixin doonaa Garawshiyaha ugu sareeya ee Walaalaheena Somaliland, Waxaanan fududayn doonaa wax walba oo Saacidayaa Dawladnimadooda..”
Khayre waxa kale oo uu sheegay “Waxaan Bilaabaynaa Wada-hadallo dhab ah oo aanu la galno Walaalaheen Somaliland, waxaanu fududayn doonaa wax walba oo saacidaya Dowladnimadooda, si ay u dareemaan inaynu Walaalo nahay..”ayuu yidhi Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre, waxaanu intaa intaa ku daray in Midnimada Soomaaliya u baahan tahay in laga badheedho arrimaha Masiiriga ah iyo naf-hurid.
Ugu dambayn, Xasan Cali Khayre ayaa muddo 4 sanadood ah la soo shaqeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo Magacaabay.
Afartii sanadood ee u dambeeyay waxa Madaxweyne Farmaajo uu dagaal-siyaasadeed la galay Somaliland, waxaanu ka joojiyey dhaqaale badan oo Hay’adaha Lacagta adduunku u soo mariyeen Somaliland, lacagahaas oo badhkood uu Raysal-wasaaraha hadda xilka haya Maxamed Xuseen Rooble uu u soo daayey Somaliland, ka dib markii uu gubtay Waaheen oo ahaa suuqii ugu weynaa Somaliland.
Sidoo kale, muddadaa Dawladda Soomaaliya waxay xidhiidhka u jartay Dawlado badan oo Somaliland xidhiidh la samaysay, sida Kenya, Gini, halka ay Taiwan oo xafiis-diblumaasiyadeed ku leh Hargeysana ku eedeeyeen inay lid ku tahay Midnimada dhuleed ee dalkii la isku odhan jiray ‘Jamhuuriyadda Soomaaliya’.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








