Ukrain (Arabsiyonews) – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee dalka Koonfur Afrika ee Democratic Alliance (DA) Mr. John Steenhuisen, ayaa socdaal xaqiiqo-raadin ah ku tagay dalka Ukrain oo uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ruushka iyo Ukrain.
John Steenhuisen ayaa socdaalkiisa Ukrain waxa ka dhashay Hadal-hayn badan, taasi oo salka ku haysa ujeeddada socdaalkiisa, Cidda Maalgelisay Safarkiisa iyo dacaayado ah in iyadoo hawlo badan oo dalka gudihiisa ahi u yaallaan uu safar ku tagay Ukrain oo waxa ka socdaa aanu saamayn ku leeyahay Koonfur Afrika.
Laakiin, John Steenhuisen oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in socdaalkiisu aanu ku koobnayn Ukrain oo keliya, balse uu socdaal ku tagay dalal badan oo ku yaalla Qaaradda Afrika, sida Ghana, Mozambique iyo Somaliland, isla-markaana uu muddadii uu ku sugnaa ku bixiyey Siminaaro “Waxaan u safray Ghana, Mozambique iyo Somaliland..” ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga DA ee dalka Koonfur Afrika, waxaanu intaa ku daray inuu bisha tan xigta uu sidoo kale safar ku tagayo Kenya, bisha ku sii xigtana uu mar labaad Tagayo ama imanayo Somaliland “Bisha tan xigta waxaan tagayaa Kenya, bisha ku sii xigtana waxaan mar labaad tagayaa Somaliland..”
Hoggaamiyaha Xisbiga DA ee Koonfur Afrika, wuxuu sheegay in Waddamada Afrika ee uu tagay uu kaga qayb-galay Siminaarro ku saabsan caqabadaha ay Qaaradda Afrika waajahayso, sidoo kalena uu la kulmay Madaxweyneyaal iyo Xubno dhiggiisa ah oo Xisbiyo hoggaamiya.
Hoggaamiyaha Xisbiga DA ma sheegin muddada uu Somaliland yimid iyo Cidda uu la kulmay midna, hase-ahaatee wuxuu caddeeyay inuu dhawaan socdaal ku imanayo Somaliland.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








