Hargeysa (Arabsiyonews) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta xidhiidh dhanka Telefoonka ah la sameeyay Madaxweyneyaasha Jabuuti, Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga talada Itoobiya haya ee PP.

War qoraal ah oo ay Maanta baahisay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Dawladda degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga talada Itoobiya haya ee PP Aadan Faarax.

Madaxweyne Biixi, ayaa Madaxda Dalalka deriska ee uu la xidhiidhay ugu hambalyeeyay Ciidda Soon-fur oo Maanta laga ciiday Somaliland iyo dalalka kale ee Gobolka.

Madaxdaasi ayaa iyaguna Madaxweyne Muuse Biixi iyo Shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay farxadda Ciidda Ramadaan.

Warka Qoraalka ah ee Madaxtooyadu arrintan ka soo saartay ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyneyaal iyo saraakiil sare oo waddamada deriska ah oo ay ka mid yihiin  Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga talada  Ethiopia haya ee PP, Mudane Aadan Faarax iyo Madaxweynaha  Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), kuwaas oo ay isugu hambalyeeyeen maalinta farxadda ciidal fidriga awgeed.”

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office