Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Ehelada Caalimkii Ugu Weynaa Dalka oo Geeriyooday

0

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u direy Sheekh 90 sanadood salaAd jamac ka tegin

Hargeysa(Arabsiyonews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Daa’uud Macalin Axmed Ceelaabe oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 27/04/2022, Arabsiyo.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka baxay dalka iyo dadka waxna soo baray bulsho badan, kana mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.