Hargeysa (Arabsiyonews) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay doorasho Maanta ka dhacday dalka Faransiiska.
Doorashada ka dhacday Faransiiska, ayaa waxa ku guulaystay Emmanuel Macron oo mar labaad noqonaya Madaxweynaha Dalka Faransiiska.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay oo helay codad u dhigma 58 boqolkiiba codadka dadka faransiisku ay ka dhiibteen doorashada, halka Marine le Pen ay heshay 42 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, sidaas ayaanu Macron mar labaad ku noqonayaa Madaxweynaha Faransiiska.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay doorashada natiijadeeda lagu dhawaaqay ayaa u Hambalyeeyay Madaxweyne Emmanuel Macron.
Madaxweyne Muuse Biixi oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ayaa yidhi “Hambalyo kal iyo laab ah ayaan u dirayaa EmmanuelMacron oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faransiiska.”
Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Somaliland iyo Faransiisku waa saaxiibo taariikhi ah oo uu ka dhexeeyo (Iskaashiga) horumarka, dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada iyo barwaaqada caalamka..” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Sidaas oo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo isaguna qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in Somaliland Hambalyaynayso in mar labaad Emmanuel Macron loo doortay Madaxweynaha Faransiiska.
Wasiir Kayd ayaa qoraalkiisa Hambalyada ku yidhi “Waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Emmanuel Macron oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha Faransiiska.”
Wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland wuxuu ka hadlay waxay wadaagaan Somaliland iyo Faransiisku “Somaliland iyo Faransiisku waxa ay wadaagaan taariikh adag, waxa aynu wadaagnaa qiyamka xorriyadda iyo dimuqraadiyadda.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa doorashada Maanta dhacday oo dhowr wareeg martay wuxuu kaga guulaystay haweenayda hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee dalka Faransiiska Marine Le Pen, taasi oo ololaha doorashada ku gashay inay faransiiska ka mabnuuci doonto Xidhashada Xijaabka iyo Niqaamka ama Indho-shareerka.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









