Hargeysa(Arabsiyonews):-Hay’adda Al-Raxma Charity oo xarunteedu kutaalo magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa ayaa Bisha Ramadaan si maalin leh Gudaha Cisbitaalka Hargeysa ku afursiisa boqolaal qof oo Sooman Islamarkaana qaarkood bukaan kasoo qaadeen Dalalka aynu jaarka nahay.


Muuqaaladdan ama sawiraddan idiin muuqda waa Xubno Hay’adda Al-Raxma Charity ka mid ah oo inyar ka hor afurka gacantooda ku qaybinaya gudaha Cisbitaalka Hargeysa.

Dad iskugu jira Bukaan iyo ehelada Bukaanka ku haya Waadhadhka Cisbitaalka ayaa safaf ugu jira Afurka.

Waa mid ka mid ah Goobaha ugu jilicsan ee
ku haboon in Sadaqadda la gaadhsiiyo.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office