Nairobi:-Madaxweynihii hore ee Kenya ee Mwai Kibaki ayaa geeriyooday , sida uu shaaciyay madaxweynaha haatan xilka haya Uhuru Kenyatta.
Wuxuu ahaa 90 jir. Wuxuu ahaa madaxweynihii seddaxaad ee soo mara Kenya, wuxuuna xilka hayay snadihii 2002- 2012-kii.
Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo madaxweynaha hore. Calanka dalkaasi ayaa hoos loo dhigay.
Dhinaca kale Xukuumada Somaliland ayaa dhambaal tacsiya udirtay Shacabka Dalka Kenya Geerida Madaxweyne Mwai Kibaki .fariin qoraal ah oo lagu baahiyey barta Twitter-ka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa lagu sheegay Tacsida waxaana lagu yidhi
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Kenya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Mwai Kibaki, Madaxweynihii hore ee Kenya.Tacsida iyo Tiiraanyada waxaan la garab taagan nahay dowladda iyo shacabka Kenya.” Ayaa lagu yidhi
The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation extends its heartfelt condolences to the government and people of Kenya by the tragic loss of Mwai Kibaki, Kenya’s former President.
Our thoughts and prayers are with the government and people of Kenya. pic.twitter.com/Lgd1eI7WPr
— MFA Somaliland (@somalilandmfa) April 22, 2022
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









