Nairobi-Wasaaradda Arrinaha Dibada Dalka Kenaya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay dabkii baabiiyey Suuqa ugu wayn Somaliland ee Waaheen sheegtayna inay aad uga murugaysan yihiin dhibaatada soo gaadhay Ganacsatada Somaliland.

Warsaxafadeed kan  oo warbaahinta Arabsiyonews ku turjuntay  Af- Soomaali  ayaa u dhignaa sida tan.

Waxa aan aad iyo uga xunahay  in aanu ogaanay masiibadii naxdinta lahayd ee ka dhacday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeisa habeenkii April 1, 2022.

Dawlada iyo shacabka Kenya waxa ay garabtaaganyihiin iyaga oo isku duuban shacabka reer Somaliland, waxana ay tacsi u dirayaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Waxa aanu wadaagnaa saaxiibtinimo adag iyo dhaxal saaxiibtinimo oo xoogan.

Shacabka reer Hargeisa waxa ay leeyihiin haladayg, waanan hambalyaynaynaa, waxana aan ku kalsoonahay rabitaanka xoogan ee shacabka Hargeisa.

Marka aad dib u dhisanaysaan, min fadlan naga gudooma taageeradayada iyo wadashaqayntayada hagar la’aanta ah.

Waxaanu idiin rajaynaynaa in aad dib u dhistaan suuqa, idinka oo soo celinaya noloshii shacabka Hargeisa.

Arabsiyonews.com

Hargeysa office