Hargeysa (Arabsiyo) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa Maanta Golaha Wasiirrada siiyey War-bixin faahfaahsan.
War-bixinta uu Wasiir Albaani siiyey Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa ku saabsanayd Carruurta la tuuro ee aan la aqoonin Cidda dhashay ama u waalidka ah, maaddaama oo ay sanadihii u dambeeyay Somaliland ku soo badanayeen Ubadka aan sida Sharciga ah ku dhalan ee la tuuro.
War-saxaafadeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee khamiista Maanta ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu uu fadhigii Maanta oo uu Shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu War-bixin ka siiyey Waxa Shareecada Islaamku ka qabto Carruurta aan sharciga ku dhalanin ee marka ay dhashaan sida qarsoodiga ah loo tuuro.
“Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa shirka golaha wasiirrada horkeenay qoraal faah-faahsan oo ku saabsan wax ay shareecada Islaamku ka qabto carruurta la tuuro ee aan la aqoon cidda dhashay iyo sida loola dhaqmayo.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Sanadihii u dambeeyay waxa Somaliland ku soo badanayey Carruurta aan sharciga ku dhalanin ee la tuuro, arrintaasi oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto.
War-bixin ay Boolisku soo saareen, ayay ku sheegeen in sannadkii hore ee 2021-kii la helay Carruur dhan ilaa 41 oo la tuuray.









