Puntland (Arabsiyo) – Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegtay inay 12 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ay ku dileen weerar ay saaka waaberigii ku soo qaadeen deegaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaraha dhinacooda uu gaadhayo dhimashada shan askari iyo dhaawaca ku dhawaad 10 askari oo ciidanka Daraawiishta ah.
Dhinaca kale, kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay 25 askari iyo saraakiil ciidan ay ku dileen weerarka ay ku qaadeen deegaanka Af-urur.
Al-shabaab Waxay baraha bulshada soo dhigeen sawirrada iyo magacyada qaar ka mid ah askarta iyo saraakiisha ay sheegteen inay dagaalka ku dileen.
Al-shabaab waxay sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga Af-urur, isla-markaana ay la wareegeen gaadiid dagaal, balse ma jiraan warar madax bannaan oo arrintaas xaqiijiyay. Inkastoo mid ka mid ah madaafiicda ay ku soo tuureen saldhigga Af-urur uu haleelay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Puntland.
Waa markii labaad oo Al-shabaab ay weerar toos ah ku qaadaan deegaanka Af-urur oo 70km u jira magaalada Boosaaso.









