Weerarkii Khasaaraha badan gaystay, isla markaana dadka ajaaniibta ah lagu dilay ee Maalintii Arbacada (23/03/2022) lagu qaaday madaarka Muqdisho ee ammaankiisa sida xooggan loo ilaaliyo iyo qaraxyadii ka dambeeyey ee xalay laga fuliyey magaalada Beledweyne ee maamul-goboleedka Hirshabeele ayaa ku soo beegmaya xili 31 March 2022 ay soo dhamaanayso muddo-xileedka Ciidamada AMISOM ee gudaha Soomaaliya ku sugnaa ilaa sannadkii 2007-kii, isla markaana ay maalin ka dib oo ah 1 April 2022 ay shaqadaas la wareegi doonaan ciidan cusub oo loo bixiyey Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia).
Haddaba, su’aashu waxa ay tahay maxaa isku beegay weerarada khasaaraha badan sababay ee 48-kii saacadood ee u dambeeyey ka dhacay magaalooyinka Soomaaliya iyo qorshahan Ciidanka AMISOM lagu beddelayo? waa su’aal laga bixin karo jawaabo dhinac walba loola kici karo.









