USA (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlayay jaalliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in ay meel fiican u marayaan heshiisyo Somaliland loogu furayo wada-shaqaynta baananka caalamka, isagoo sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu Somaliland la shaqeeyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo kaxaystay qaar ka mid ah ganacsatada waa weyn ee Somaliland, si ay Maraykanka ugala xaajoodaan in Somaliland loo furo suuqa ganacsiga caalamka, iyo wada shaqaynta baananka caalamiga ah sida Baanka Adduunka.
“Ra’yiga aanu isu soo raacnay wuxuu ahaa, waar dadkeenu wuu yar yahay, lacagna waynu haysanaa, ma baryootamaynee, waar Maraykanow lacagtaadii anaga haynee, xanimaadda lacagta aad leedahay la idinma ictiraafsana, lacagta maan la ictiraafsanayn taasina meel aad iyo aad u wanaagsan ayay maraysa” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo Jaaliyadda Somaliland kula hadlay Washington DC oo Weftigiisu ku sugan yahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkooda guusha ugu wayn ee ay ka gaadheen ay tahay in lacagta loo furo Somaliland, “Socdaalkan guushiisa ugu wayni waxa weeyaan, ictiraafka lacagta iyo baayac-mushtarka ayaynu gaadhaynaa intaynaan ka siyaasiga ah gaadhin, mar haddii dhaqaalahaasi inoo hirgalana dhibaato inteeda badan waynu ka baxnay”.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in ay la shaqaysato Somaliland, “Waxa aniga maanta goobjoog Alle iiga dhigay, oo aan xanuun walba oo la soo maray ku iloobayaa, dowladdii Maraykan, oo baarlamaankeedii iyo dowladdeediiba leedahay waynu isku baahanaye Somaliland-neey maxaynu wada qabsanaa..” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabaha ugu waa wayn ee Somaliland ka iibsamay ay yihiin, nabadda 30 sanno jirsatay, dimuquraadiyada iyo doorashooyinka, iyo mandaqada istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo.









