Nairobi (Arabsiyo) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI
Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Maanta safar ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraal ku saabsan safarkooda Kenya, ayaa sheegay inay Nairobi kulan kula yeesheen Danjiraha Midowga Yurub iyo xubno kale oo muhiim ah.
Xirsi ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Waxaan aniga iyo Murashaxa Madaxweynaha Xisbigu safar shaqo oo kooban ku tagnay Dalka Kenya. Waxa aannu isla maantaba kulan aan hore u qorshaysnayn la yeelannay Danjiraha dalalka midowga Yurub (EU) iyo xubin madaxda xafiiskooda ee Nairobi ka mid ah, waanan uga mahad celinayaa sida ay horumarka iyo doorashooyinka Somaliland u danaynayaan.”









