Maraykanka Oo Si Gaar Ah Iskaashi Ula Samaynaya Somaliland

0

Washington (Arabsiyo) – Mudaneyaal ka tirsan Aqalka odayaasha ee dalka Maraykanka, ayaa maamulka Madaxweyne Joe Biden,  gaar ahaan Xoghayaha  Arrimaha Dibedda u gudbiyey soo jeedin ah In la sameeyo Xeer jidaynaya iskaashi dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.

Soo jeedintan Sharci, ayaa waxa ku lamaan in dalab ah in xoghayaha arrimaha dibeddu soo gudbiyo Warbixin sannadle ah, taasi oo la xidhiidha caawimooyin Maraykanku siiyo Somaliland iyo in uu sameeyo deraasad ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga ee Maraykanku uu la samayn karo Somaliland, isagoo kaashanaya xoghayaha difaaca ee Dawladda Maraykanka.

Xildhibaannada kala ah Jim Risch oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka, Chris Van Hollen  iyo Mike Rounds oo ah Guddoomiyaha iyo xubin sare oo ka tirsan Guddi-hoosaadka Afrika iyo Siyaasadda Caafimadka Caalamiga ah ee Aqalka Sanet-ka Maraykanka, ayaa Maanta soo bandhigtay Xeerka Iskaashiga Somaliland oo dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay warbixin ka siiso Aqalka Congress-ka la macaamilka Somaliland, isla-markaana ay samayso deraasad la xidhiidha suurtogalnimada iskaashi dhex mara dawladda Maraykanka iyo Somaliland, isagoo xoghayaha arrimaha dibeddu la kaashanaya Xoghayaha difaaca.

“Maraykanku waxa uu sii wadaa in uu yahay saaxiibka joogtada ah ee dadka Soomaaliyeed, laakiin maamulka Biden waxa uu ku soo koobay siyaasadda ‘Soomaaliya kaliya’ taasi oo wax u dhimayso jilayaasha kale ee dimuqraadiga ah ee dalka,” ayuu yidhi Risch oo ka mid ah Mudaneyaasha soo bandhigay soo jeedintan.

Van Hollen oo ka mid ah Mudaneyaasha u gudbiyey qoraalka soo jeedinta ah ayaa yidhi “<span;>Wakhtigan adag ee arrimaha caalamiga ah iyo Geeska Afrika, Maraykanku wuxuu sahaminayaa dhammaan xidhiidhada faa’iido u leh labada dhinacba, saaxiibbo deggan oo dimuqraadi ah, sida Somaliland oo kale, oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed oo duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn, iyadoo Geeska Afrika uu wajahayo mawjadaha xasillooni darrada ah ee sii kordhaya, kor u qaadista iskaashiga aan la leenahay kuwa gobolka ee qiimeeya maamulka dimuqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah ayaa fure u ah horumarinta danaha Mareykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo taageeridda sharciga iyo xuquuqda aadanaha..”

Xildhibaan Van Hollen waxa kale oo uu sheegay “Somaliland waxa ay isu caddaysay in ay tahay goob xasiloon oo dimuquraadi ah oo ku dhex jirta badweyn colaadeed, taasina waa sababta kordhinta fursadaha la xidhiidha la macaamilka Somaliland ay macno samaynayso..” xidhiidh faa’iido leh,” ayuu yidhi Van Hollen.

Warka arrintan la xidhiidha ayaa lagu baahiyey Mareegta Aqalka Sanet-ka Maraykanka, gaar ahaan waaxda khusaysa xidhiidhka dibedda, waxaana lagu sii lifaaqay Taariikhda Somaliland.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office