Ukrain (Arabsiyo) – Sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka,Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa ku kulmi doona dalka Turkiga.
kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay ee labadooda dhexmara tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka ee Ukraine 24-kii February.
Kulanka ayaa waxaa soo jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, wuxuuna sidoo kale ku taliyay in loo qabto qaab saddex geesood ah, isaga, Kuleba iyo Lavrov.
Shirka ayaa la sheegay in uu dhici doono 10-ka bisha March oo Maanta ku beegan, halka madasha dublamaasiyaddana loo qorsheeyay 11-ka March.
Wadahadallada nabadeed ee horay u dhexmaray Ruushka iyo Ukraine ayaa ilaa la sheegay inay aad u adkayeen waxayna ku soo dhamaadheen is afgarad la’aan iyo in aan laga gaadhin heshiis la taaban karo.








