WADDANI Oo Weli Diiddan In Doorashada Ururradu Ka Sooo Horrayso Ta Madaxtooyada

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), ayaa eedaymo u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mr. Waabeeye oo Musharraxa WADDANI ka difaacaya hadal uu Wasiirka Arrimaha guduhu uu Warbaahinta u mariyey wuxuu yidhi  “Madaxweynaha Somaliland wuxuu Maalin dhawayd ka hadlay Doorashooyinka soo socda, isagoo aad moodaysay in Madaxweynuhu uu Majaro-habaabiyey nidaamka doorashooyinka dalku u kala horreeyaan.”

Mr. Waabeeye wuxuu u jawaabay Wasiirka Arrimaha gudaha “Waxa isaguna doraad hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo u jawaabayey Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Cirro wuxuu yidhi Xisbiyada Maanta jiraa noqon maayaan Ururro-siyaasadeed, waxa kale oo uu yidhi ma jiraan Ururro ka qayb-galaya Doorashada Madaxtooyada, waa run oo ma jiraan Xisbiyo noqonaya Ururro, Wasiir Xisbiyadu ma noqdaan Ururro, laakiin waxay ka qayb-galaan Tartanka loogu gudbayo Xisbiyada, Xisbiyaduna iyagoo Xisbiyo ah ayay doorashada ka qayb-galayaan, markaa laba id uun bay noqonaysaa, inay Xisbinimadoodii difaacdaan iyo inay Ururnimo ku noqdaan.” Ayuu yidhi.

Arabsiyo News/Hargeisa Office