Hargeya (Arabsiyo) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa Shalay safar ugu baxay dalka Maraykanka.
Xubno ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, ayaa Warbaahinta Arabsiyo News u sheegay in Wasiirka Arrimaha dibeddu uu Shalay u ambanaxay Washington DC, si uu ugu sii gogol-xaadho Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Safar ku tagaya halkaasi.
Sida Arabsiyo News loo sheegay, Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa Weftiga ku wehelin doona Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Xubno kale oo muhiim ah.









