Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Beeraha Oo Ku Baaqay Iskaashi Qaran

0
Hargeysa (Arabsiyo) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Axmed Muumin Seed, ayaa ku baaqay Iskaashi Qaran, si dalku uga faa’idaysto Roobabka soo waajahan.

Qoraal soo jeedin ah oo Axmed Muumin Seed uu Maanta soo saaray oo soo gaadhay War-qabadka Warbaahinta Arabsiyo News, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Sida aan  wada  ogsoonahay dunida Waxaa naafeeyay muddooyinkii u dambeeyay Colaad iyo Cudurka Covid-19  ILAAHAY ha inaga hayee, waxaa inoo Sii dheer Abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo xiligan jirta , sidaa darteed  Waxaa haboon in aan u diyaargarowno roobka Soo Socda haddii allah inoogu deeqo  Sidii aan ugu faaiidaysan lahayn  dhanka biyaha oo la qabto dhinaca beeraha oo aan Xooga Saarno  maadaama dagaalada ka socda dalka Ruushka iyo Ukrain ay Saamayn doonaan dunida oo dhan.

Waxaan nahay dadka kaliya ee dunida wax kasta ka keensada ee aan isku filnaan karin haddii Maraakiibtu joogsato, taas darteed qofkasta oo inaga mid ah oo xoog iyo xoolo xambaarsan saa inuu u diyaargaroobaa sidii aan gu’gan Soo Socda ugu wada faa’iidaysan lahayn, aan isku Wacyigalino Sidii aan u Cidhibtiri lahayn  faqriga iyo Cuno yaraanta.

Soo jeedintaydu waa sidan soo socota.

1. In Dhammaan maalqabeenada iyo xukuumadda Oo is kaashanaaya ay Sameeyaan Qorshe deg deg ah xili roobadka Soo wajahan qorshahaas oo ka kooban  biyaha oo la qabto iyo dalagyada muhiimka ahaa oo la beero.

2. In dhamman Shaqaalaha dawlada iyo Kuwa Shacabka  oo kaashanaaya  Askarta iyo maamulka Sare ee Waddanka ay dhamaantood u guntadaan sidii ay ugu qayb-qaadan lahaayeen  mashruuca Cidhibtirka Cunto yarida ee ku Soo Wajahan Wadanka .

3. In loo qoondeeyo dhaqaale ku kooban Shidaal , baabuurta dadka daabulaysa iyo Cagafyo .

4. In Dhamman dadku ay ku Shaqeeyaan iskaa Wax u qabso labada xili ee Xilina la abuuraayo Siidhka Xilina la Soo gurayo dalaga. Markaa aan dhamaanteen ku garab-galno hawsha sida loo qorshaynayo ama loo maamulayo Ciddii ay dawladdu u Xil Saarto iyo Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL oo masuuliyaddu Saaran tahay..”.

 

Arabsiyonews/Hargeisa Office