Siyaasi Taageersan Qadiyadda Somaliland Oo U Tartamaya Madaxweyne-nimada Kenya.

0
Kenya (Arabsiyonews) – Raysal-wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, ayaa sannadkan gudihiisa ka qayb-galaya doorashada Madaxweyne-nimo ee dalka Kenya.
Odinga oo ah Hoggaamiyaha iyo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee ODM, ayaa la filayaa inuu ku soo baxo doorashada Kenya ka dhacaysa 9-ka bisha Augost 2022.
Madaxweynaha xilligan ee dalka Kenya Uhurru Kenyatta oo Toddobaadkii hore hadal ka jeediyey goob fagaare ah, ayaa sheegay in Odinga u qalmo inuu noqdo Madaxweynaha Kenya, hadalkaasi oo kor u qaadaya Rejada taageerayaasha Xisbiga ODM.
Siyaasigan oo ka mid ah kuwa ugu caansan Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ah ee Afrika, ayaa ka mid ah Dadka taageera qadiyadda Madax-banaanida Somaliland isla-markaana sida furan uga hadla.
Raila Odinga, ayaa hadal uu sannadkii 2016 ka jeediyey aqalka Chatham House ee dalka Ingiriiska, wuxuu ku sheegay inuu taageerayo in Somaliland la aqoonsado.
“Waxaan taageere adag u ahay aqoonsiga Somaliland. Sidaas baan idhi aniga oo aan cabsi qabin ama aan isburinayn. Waxaan ka mid ahay hoggaamiyeyaashii ugu horreeyey oo booqday Somaliland markii saaxiibkey Maxamed Ibraahim Cigaal noolaa” ayuu Odinga yidhi.
Xilligii uu Somaliland hoggaaminayey Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayuu Odinga soo booqday Hargeysa, waxaanu la kulmay Madaxweyne Cigaal, waxaanu Cigaal Warqad khusaysa qadiyadda Somaliland ugu dhiibay Madaxweynihii Kenya ee xilligaasi sida uu ka warramay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Siciid Gees.
Sidoo kale, Gees wuxuu qoraal uu qoray kaga warramay in Odinga inta aanu Somaliland iman uu Kenya si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Wefti uu Cigaal hoggaaminayey oo Kenya safar ku tagay.
Ugu dambayn, haddii doorashada soo socota uu Odinga ku guulaysto, wuxuu noqon doonaa saaxiib weyn oo Somaliland ku leedahay bariga Afrika, gaar ahaana dalka Kenya.
Arabsiyonews.com/Hargeysa Office