Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Damaceeda Badacas Ee Somaliland

0

Addis Ababa (Arabsiyonews) – Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay khalad u aragto in laga saaro Golaha Iskaashiga badda Cas.

Golaha Iskaashiga Badda cas oo ay sannadkii 2019 ay sameeyeen Dawladaha Khaliijka iyo kuwa Bariga Afrika, ayaa ka shaqeeya Amniga guud ee badda Cas, laakiin Itoobiya oo aamisan inay door ku leedahay amniga Badda cas, ayaa sheegtay inay khalad u aragto inay Golahaasi ka maqnaato.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa 24-kii bishan sheegtay ‘inay khalad tahay’ in Itoobiya ka maqnaato Golaha iskaashiga badda Cas.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya Dina Mufti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Itoobiya ay dalbanayso in ay ka mid noqoto golaha iskaashiga badda cas, maadaama uu waddanka Itoobiya ka mid yahay kuwa ku yaalla Gobolka Geeska Afrika, sidoo kalena ay ka shaqaynayso is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office