Hargeysa (Arabsiyonews) – Dawladda Somaliland, ayaa Beesha Caalamka ku war-gelisay inaanu khusaynin heshiis kasta oo shidaal baadhis ah oo Dawladda Soomaaliya la saxeexato shirkadaha arrimahaa ka shaqeeya.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya Maxamed Cabdirashiid Aadan, ayaa 15-kii bishan February heshiis shidaal-baadhis ah la saxeexday Shirkadda Coastline exploratation.
Sidaasi darteed, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo daba socda heshiiskaasi, ayaa sheegay inuu yahay wax aan khusaynin Somaliland, waxaanu Bulshada Caalamka ku War-geliyey inaan heshiiskaas iyo kuwa la midka ah aan loo fasiran karin kuwo Somaliland khuseeya.

“Iyadoo taas (Heshiiska Soomaaliya gashay) maskaxda lagu hayo, waxaan xasuusineynaa Beesha Caalamka, in Somaliland ayna ixtiraami doonin heshiisyada shidaal baardhista iyo gaaska ee ay Soomaaliya saxeexday..” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka.
Wasiir Ciise Kayd oo hadalkiisa sii wata, ayaa digniin u diray Shirkadaha iyo Cidda kale ee u aragta in heshiisyadani yihiin kuwo khuseeya ama ka hadlaya Somaliland “Shirkad kasta oo u aragta heshiisyadan inay yihiin kuwo Somaliland ka hadlaya, waxa loo arki doonaa inay yihiin kuwo ku xad-gudbaya Madax-banaanida Somaliland…”
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









