Somaliland: Twitter-ka Oo Xayiray Ciwaanka Xildhibaan Ku Caan Ah La-dagaalanka Musuqmaasuqa

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Shirkadda Twitter-ka oo ka mid ah Shirkadaha bixiya adeegyada Warbaahinta Bulshada (Social Media), ayaa Xayirtay bartii uu ku lahaa Xildhibaan Maxamed Abiib.

Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee Shirkadda Twitter-ku ku xayirtay bartii uu ku lahaa Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

Laakiin, qaar ka mid ah shacabka Somaliland ee Adeegsada Twitter-ka, ayaa barahooda Twitterka ku faafiyay olole ay Shirkadda kaga codsanayaan in ay xayiraadda ka qaado Ciwaanka Twitter-ka ee Xildhibaanka.

Inta la ogyahay, waa Xildhibaankii ugu horreeyay ee ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee cusub ee la xayiro Ciwaankiisa Twitter-ka.

Maxamed Abiib oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddi-hoosaadka ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka Somaliland, ayaa ka mid ah Mudaneyaasha ugu saamaynta badan Golaha Wakiillada Somaliland.

Dadka qaar ayaa shaki ka muujinaya inay jiri karaan Masuuliyiin ka mid ah kuwa Xukuumadda oo uu dabagal ku sameeyay hantida ay masuulka ka yihiin ay ka dambeeyaan xayiraadda la saaray Ciwaanka Xildhibaanka, inkasta oo aan la garan karin waxa arrintaasi yeeli karto Maxamed Abiib, marka laga yimaaddo in xayiraaddan loo fasiran karo in Sumcadda Xildhibaanku ku leeyahay Twitter-ka dhexdiisa aanay wanaagsanayn.

 

Arabsiyo News/Hargeisa Office