Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay kulan la yeeshay Musharrax Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Kulankan oo gaar u ahaa Madaxweynaha iyo Musharraxa Xisbiga WADDANI, ayaan la ogayn waxay kaga wada-hadleen, balse wuxuu ku soo beegmayaa xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf salka ku haya Furista Ururrada Siyaasadda.
Sharciga Somaliland, ayaa dhigaya in 10-kii sanaba Hal mar la furo Ururrada siyaasadda, si loo helo Xisbiyo cusub ama kuwii hore u jiray Boodhka looga tumo, balse Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, ayaa hadda diiddan in la furo Ururrada siyaasadda oo Xukuumaddu ku dhawaaqday in la furayo bisha 5-aad ee sannadkan 2022-ka, iyagoo ku doodaya in muddadii 10-ka sano ahayd ee sharcigu jideeyay inay jiraan Xisbiyadu ku eg-yihiin bisha 12-aad ee sannadkan, sidaasi darteed la qabto doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee 2022, halka Xukuumaddu ku doodayso inay doorashada Madaxtooyada geli doonaan saddexda Xisbi ee ku soo baxa doorashada Ururrada siyaasadda.
Sidaasi darteed, Warar laga helay Kulanka dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Musharrax Cirro, ayaa tibaaxaya in is-araggoodu uu arrintaa salka ku hayo, balse lama xaqiijin karo waxay isla qaateen.
Hoggaanka sare ee Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa bilihii u dambeeyay Madaxweynaha ku eedeynayey inuu ka shaqaynayo sidii loogu samayn lahaa Muddo-kordhin, arrintaasi oo ay khatar u arkaan Xisbiyada Mucaaradku, maaddaama oo muddadii sharcigu siiyey inay Xisbiyo ahaadaan dhamaanayo bisha December ee sannadkan 2022-ka.
Sida ilo-wareedyo ku dhow Xisbiyada Mucaaradku hore u soo tebiyeen, UCID iyo WADDANI, ayaa ka cabsi qaba in haddii Madaxweynaha loo sameeyo muddo-kordhin ay tahay fursad uu Madaxweynuhu Ururrada ku furi karo, haddii taasi timaaddana aan la saadaalin karin mustaqbalka Xisbiyada hadda jira ee UCID iyo WADDANI.









