Hargeysa(Arabsiyonews):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta munaasibad lagu maamuusay u qabatay shaqaalihii ugu wax-qabadka iyo shaqada wanaagsanaa sannadkii tagay.
Munaasibadda lagu maamuusay Hawl-wadeennada wasaaradda, waxa marka laga yimaaddo shaqaalaha la maamuusay goob-joog ka ahaa oo ka qayb-galay wasiirka horumarinta Caafimaadka oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Cadaaladda iyo Guddoomiyaha hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








