Waxaa baraha bulshada lagu arkayay sawirada saxafiyiin xabadka dhulka loo dhigay oo garbahana ka duuban kuwaas oo ka socday telefishinada maxalliga ee magaalada Muqdisho oo u tagay degmada Kaxda inay soo tabiyaan weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho.
Muuqaalada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxay muujinayeen ciidamado ka tirsan booliska Haramacad oo falkaasi geesanaya, arrintan ayaa waxa aad u dhalleeceeyay warbaahinta gudaha Soomaaliya.
Ilaa hadda booliska kama aysan hadlin muuqaaladaasi baraha bulshada lagu baahiyay ee muujinayay saxafyiinta xabadka dhulka loo dhigayay, sidoo kale warbaahin ka howlgala warbaahinta maxalliga ayaa sheegay in loo diiday inay tagaan goobihii ay xalay weerarada ka dhaceen.
Arabsiyonews.com
Muqdisho Office








