Hargeysa (Arabsiyonews):-Xog muhiim ah oo ku saabsan Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi
Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa markii u horreysay is arkay in muddo ah oo ay ku kala fogaadeen Siyaasadda ka dib.
Kulankan oo ka dhacay Guriga Madaxweynaha, ayaa laba masuul yeesheen kulan qaatay laba saacadood ku dhawaad ahaa oo ay isku keliyeysteen Biixi iyo Xaashi.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi, laga reebo sawirro ay wada galeen kulanka ka dib, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi xaqiijiyeen labadan masuul ayaa kulankoodan la sheegay in ay iskaga laab-xaadheen xurguf siyaasaddeed oo soo kala dhex gashay, taas oo sababtay in dagaal siyaasaddeed oo adag dhex maro Madaxweyne Biixi iyo Siyaasi Xaashi.
Wararku waxa ay intaasi ku dareen in is laab xaadhashada iyo is cafista ka dib laba masuul isla soo qaadeen arrimaha siyaasadda ee taagan, iyaga oo si kooban isu dul taagay in la soo geba geebeeyo Dagaalkii siyaasaddeed ee muddada soo jiitamayey, isla markaana halkaas lagu soo afjaro, haddii la sii wada shaqaynayo oo isfaham laga gaadhana la wada shaqeeyo, haddii kalena la isugu soo duceeyo fursadaha siyaasiga ah ee jira ee kale.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi ayaa ballamay toddobaad ka dib in ay kulan kale oo muhiim ah oo salka ku haya kala gurasho siyaasaddeed amma isku soo laabasho siyaasaddeed in ay isugu yimaadaan, iyada oo mid walba la tashiyo la soo samayn doono saaxiibadiisa kale, ka dibna dhinac walba miiska la yimaado qorshihiisa siyaasaddeed ee uu xalka u arko.
Kulan dambe ee ay u ballameen madaxweynaha iyo Maxamuud Xaashi, ayaa la filayaa inuu noqdo mid ay ku kala cadaan doono doonista laba masuul iyo sida ay u wajihi doonaan mustaqbalka siyaasaddeed ee mid walba damacsan yahay, iyada oo illa imika inta la ogyahay Qorshaha Maxamuud Xaashi yahay inuu helo Guddoomiyaha Kulmiye, iyada oo wararka qaarna sheegayaan in damaciisu gaadhsiisan yahay illaa murrashaxnimada Kulmiye, balse illaa hadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaan la ogeyn qorshihiisa siyaasaddeed iyo sida uu u maaran doono mustaqbalka Kulmiye, isaga dabadii.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








