Qaramada Midoobay ayaa rajo wanaagsan ka muujisay iney mira dhalaan wadahadallada u socda madaxda dowladda iyo fallaagada TPLF oo muddo ka badan sanad ku dagaallamayey waqooyiga dalkaasi.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay iney wadahadallada labada dhinac u socda ay meel wanaagsan marayaan.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Aamina Maxamed waxay booqasho ku soo martay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay oo ay dagaalladu saameynta badan u geysteen.

Amina oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Addis Ababa waxay sheetay marka loo eego dagaalkii waqooyiga Itoobiya ka socda mudda ka badan sanad ay xaaladdu hadda deggan tahay marka laga reebo isku dhacyo yaryar oo meelaha qarkood ka dhaca.

“Haadda xaalku meel fiican ayu marayaa, wadahadallada socdaana si wanaagsan ayey u socdaan weyna sii socon doonaan,” ayey tiri.

Aamina inta ay booqashada ku mareysay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay madaxda deegaannadaasi waxay ugu baaqday iney colaadda joojiyaan oo miiska wadahadalka ay u soo noqdaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterez wuxuu maalmo ka hor sheegay dhinacyadii ka qayb qaatay dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socday ku dhawaad 15 bilood rabitaanka nabadda ee ay dhawaan muujiyeen inuu soo dhaweynayo.

Guterez wuxuu intaa ku daray tallaabbada ugu horreysa ee dagaalka lagu joojin karo iney tahay xabbad joojin buuxda oo ay dhinacyada dagaallamaya gaaraan.

Amina oo kulammo gaar ah la yeelatay haweenka iyo ardayda waxay sheegtay iney dagaalka Itoobiya inta uu socday ay dhaceen xadgudubyo dhinaca jinsiga ah taasina ay Qaramada Midoobay marnaba u dulqaadaneyn.

Haweenka xadgudub galmo loo geystay oo ay la kulantayna waxay u sheegtay Qaramada Midoobay iney xal u raadineyso dhibaatooyinka haweenka soo gaaray ee isugu jiro mid jireed iyo mid maskaxeed in xal buuxa ay u raadineyso

Hoggaamiyaha Fallaagada TPLF Debresion Gabre-Mikael oo BBC u warramay wuxuu isna sheegay dowladda Itoobiya iyo TPLF inuu u billawday wadahadal aan toos ahayn, wadahadalkaasina ay ka muuqdaan rajo wanaagsan oo xal u noqon kara colaadda muddo sanad ka badan ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horraanti bishii January ee sanadkan xabsiga ka sii deysay siyaasiyiin ka tirsan fallaagada TPLF oo ay dowladda ku soo qabatay dagaalki ka socday gobolka Tigraay

Arabsiyonews.com