Hargeysa(Arabsiyonews):-Dawladda Somaliland, ayaa Wefti heer sare ah u diraytay Dalka Taiwan,waftigan ayaa waxaaa hogaaminaya Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland waxaana ku wehelinaya Xubno kale oo ka tirsan Golaha wasiirada


Weftiga oo la sheegay inuu casuumad ka helay Jasiirada Taiwan ayaa ka kooban 4 wasiir oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee S/land Ciise Kayd Maxamuud, waxa kale oo xubno ka ah Wasiirada Maaliyadda Sacad Cali Shire, Wasiirka Xanaanadda Xoolaha & Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed & Wasiirka Qorshaynta Cumar Cali Cabdilaahi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti ka kooban saddex wasiir oo ayaa maalinta berri gaadhi doona dalka Taywaan.


Sida uu xaqiijiyey Wakiilka Somaliland i fadhiya dalka Taiwan Ambassodor Maxamed Xaaji
Danjire Maxamed Xaaji oo ku baahiyey barta uu ku leeyahay Internetka ayaa waxa uu sheegay in Xubnaha

Weftiga oo ka kooban wasiiradda Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Qorshaynta Qaranka iyo Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ayaa kulamo waaweyn la yeelan doona Madaxweynaha Taywaan, 蔡英文 Tsai Ing-wen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Joseph Wu, iyo Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Taywaan.

Dhanka kale, weftigu waxa ay kulamo mihiim ah la yeelan doonaan wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Badda, Wasiirka Beeraha, Kalluumaysiga, Xoolaha iyo Cuntada.
Waxa kale oo ay weftigu kulan la qaadan doonaan Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga iyo maalgashiga Dibadda (Taiwan External Trade Development Council – TAITRA). Kulama waaweyn oo kale ayey weftigu ka qayb-gali doonaa oo ay la qaadan doonaan qaar ka mid ah shariikadaha waaweyn ee dhismaha, kuwa E-Commerce ka iyo Tiknoolajiyada.
Weftigan oo noqon doona kii ugu cuslaa ee ay Somaliland u dirTo Taiwan, tan iyo markii ay xidhiidhka samaysteen labada dal,

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office