Hargeysa (Arabsiyo) – Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa Sabtida Maanta soo cago-dhigtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo ka soo kacday Magaalada Caasimadda ah ee Moskow isla-markaana soo martay Magaalada Al-cayn ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa subaxdii hore ee Saaka timid Hargeysa. Diyaaraddan oo nooceedu yahay SAPSAN ( Antanov ) ayaa numberka u diiwaangashan uu yahay AN74 EX-74001.

Illaa hadda si rasmiya looma oga ujeeddada diyaaradda Ruushka ahi u timid Somaliland, balse Warar qaarkood ayaa sheegay inay sidday diblumaasiyiin Ruush ah, kuwaasi oo doonaya inay Wada-xaajood la yeeshaan Xukuumadda Somaliland
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








