Addis ababa:-Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdiisu wadahadal la galeyso fallaagada TPLF.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay Abiy Axmed inuu hadalkaasi ka sheegay kulan u la yeeshay qurbajoogta dalkaasi.

Abiy wuxuu yiri “Wadahadal ayaa jiraya, heshiiskaasi oo ah mid wax walba ka hormarinaya danaha shacabka.”

Balse ilaa iyo hadda si rasmi ah uma shaacinin heshiiska uu sheegay iney dowladdiisa la galeyso TPLF.

Midowga Afrika iyo Mareykanka waxay dadaal ugu jiraan sidi ay labada dhinac wadahadal colaadda lagu soo afjarayo balse weli dadaalladasi ma noqon mid mira dhala.

Dhinaca kale Golaha wasiirrada ee Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar lagu qaadayo xaaladdii degdegga ahayd ee lagu dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay.

Qaraarkan ayaa u baahan in ay ansixiyaan golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ay u badan yahiin xisbiga Barwaaqo ee talada haya.

Xalad degdega ayaa lagu soo rogay dalka Itoobiya ka dib markii uu sii xoogaystay dagalka Itoobiya islmarkana fallaagada TPLF ay ku soo dhawaadeen caasimadda Addis Ababa.

Arabsiyonews.com