Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal kasoo yeedhay Wasiir Ka tirsan Dawladda Ingiriiska

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Wasiirka Arimaha Dibada JSL Dr Ciise Keyd Maxamuud oo u waramay Laanta afka soomaaliga ee VOA ayaa wax lala yaabo oo ay waayo-aragnimo siyaasaddeed iyo xogoggaalnimo ka maqan tahay ku tilmaamay haddalka ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha Afrika u qaabisal dawladda Ingiriiska Mrs Vicky Ford oo fal-celin aan miisaan lahayn ku qaabishay doodda Baarlamanka dalkeeda

Waxaanu Yidhi“Dawladda Ingiriisku waa dawlad aanu xidhiidh wanaagsan la leenahay. Haweenayda u qaabilsan UK, Afrika qoraalkeeda waxa ka muuqatay khibrad yaraan siyaasaddeed, xogoggaal la’aan iyo faham la’aan siyaasaddeed. baarlamankii ayaad arkaysay inuu ka baaraan-degay oo uu shiilay qadiyaddan Somaliland, markaa haddana dawladda UK hawlo badan ayaa noo socda oo ganacsigu kamid yahay” – “waad ogtahay shirkad la yidhaahdo PIE inay lacag dhan saddex boqol iyo labaatan malyuun oo doolar($320,000,000) gelisay dekedda Berbera”

hadalkan ayaa dhinaca kale waxa uu kusoo beegmayaa Xili Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Essa Keyd uu xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee UK u soo magacawday Somaliland Gabadha lagu magacaabo Lizzie Walker

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office