Hargeysa(Arabsiyonews):-Wasaarada horumarinta Maalgashiga iyo warshadaha Somaliland oo ka duulaysa qorshaha dardar gelinta maalgashiga Somaliland ayaa dalka kusoo marti qaaday wafti culus oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka maraykanka.
Warkan oo lagu baahiyey dagelka Wasaaradu ay kuleedahay Internetka ayaa waxaa lagu yidhi


Waftigan ayaa Xafiiska wasaarada Maalgashiga JSL kusoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Md Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali)
Waxuuna waftiga uga warbixiyey Fursadaha Maalgashi ee ka jira Dalka ,Isagoo ku dheeraaday Agaasimuhu Guulaha ay gaadhay Somaliland Mudadii 30ka sano ahayd, haday noqoto Ganacsiga xorta ah iyo Maalgashiga kaasi oo ay kusoo dhiiradeen Mudadaasi shirkado waaweyn oo dunida laga tixgaliyo.

Agaasimuhu waxa uu ugu Bushaareeyey Maalagashadayaasha Ka socday dalka Maraykanka in ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan ka Xukuumad  ahaana ay markasta ka go’an tahay in ay dhiiri galiyaan Shirkadaha Waaweyn ee dunida kaga soo Xidhmaya
Waftigan oo ka socday Shirkadda Rhoton Globle Company ayaa kala ahaa Mr Bradley J Layton oo ah Maamulaha Shirkadaasi Mr Mchael De Rhodes oo isna ka mida masuuliyiinta ugu sarsaraysa shirkadaasi iyo Msui.


Waftigan ayaana hore u maalgashaday wadamo badan oo ay ka mid yihiin wadamada carabta sida Sucuudi arabiya ,Imaaradka Carabta Qadar iyo wadamo kale oo badan, waxaana ay indho indhayn iyo qiimayn ku samaynayaan hayaado doora oo isugu jira kuwo Dowliya iyo kuwo maxali ah intaba.


Waxaana ay nwaftiga Maraykanka ahi ay ku diirsadeen khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay ku manaystay Somaliland ,Nabadgelyada iyo Xasiloonida ka jirta, waxana ay sheegeen inay aad ugu qanacsan yihiin  fursadaha ka banaan Somaliland ee la maalgashan karo Wakhtigan.
Kulanka waftiga Ganacsatada Maraykanka ah ee indha indhaynta fursadaha maalgashi usocday iyo wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo warshadaha Somaliland ayaana kusoo gabagaboobay is-faham waxaana lagu balamay in si degdeg ah Hawlaha Maalgelinta loo Bilaabo.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office